Shaxda Laga Yaaba In Ay Real Madrid Kaga Hor Tagto Real Betis.

0
57

 

Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Real Betis kulan ka dhici doona garoonka Estadio Benito VillamarĂ­n kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa bar-baro ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga iyaga oo dhaafi waayay kooxda Real Sociedad.

Kooxda Zidane ayaa ku dhibaatoonaysa dhaawacyo xoogan iyaga oo ay ka maqanyihiin xiddigo muhiim ah sabab la xidhiidha dhaawacyo kala duwan.

Zidane iyo kooxdiisa ayaa doonaya in ay guul gaadhaan si ay u bilowdaan difaacashada horyaalka marka ay la ciyaarayaan kooxda Betis.

Benzema ayaa la filayaa in uu ku bilowdo weerarka Los Blancos sidoo kale xiddigaha Vinicius iyo Rodrygo ayaa ka garab ciyaari doona Benzema.

Xiddiga Casemiro oo kaydka ku bilowday kulankii hore ayaa sidoo kale la filayaa in uu ku bilowdo shaxda Real Madrid ee kulanka Real Betis.

POSS RM XI vs. SOC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here