Shax Cajiib Ah Oo Laga Sameeyay Saxiixyadii Ay Barcelona Seegtay In Uu Bartomeu Madaxweynaha U Ahaa.

0
122

 

Kooxda Barcelona ayaa suuqii xagaaga ku fashilantay in ay la soo saxiixato xiddigo lala xidhiidhinayay gaar ahaan 3 xiddig oo bartilmaameed u ahaa kooxda sabab la xidhiidha xanuunka Korona oo saamayn ku yeeshay dhaqaalaha kooxda.

Bartilmaameedka 1-aad ayaa ahaa xiddiga Inter Milan ee Lautaro Martinez kaas oo ay kooxdu wadahadalo la qaadatay muddo bilod ah laakiin ugu dambayn Barcelona ayaa isaga hadhay baacsiga xiddiga sabab la xidhiidha qiimaha ay Inter milan doonayso oo aad u badnaa.

Barcelona ayaa dareenkooda u jeedisay xiddiga kooxda Lyon ee Memphis Depay iyada oo xiddiga la gaadhay heshiiska shaqsiga ah sidoo kale Lyon kala heshiisay saxiixa xiddiga.

Laakiin kooxda ayaa ku fashilantay in ay iska iibiso xiddigo ka hor inta ayna dhamaystirin saxiixa xiddiga Reer Holland.

Xiddiga kale ayaa ah xiddiga kooxda Man City ee Eric Garcia kaas oo ay Man City diiday in ay lacag jaban kaga iibiso xiddiga ka soo baxay Akademiyada Barcelona.

Sidoo kale waxa jira xiddigo ay ka mid yihiin Di Maria, Neymar, Rodrigo, Verratti, iyo xiddigo kale oo badan oo ay Barcelona ku fashilantay in uu Baromeu madaxweynaha ka ahaa kooxda.

Barcelona XI that got away

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here