Saxiixyada Ay Ilaa Haatan Dhamaystireen 6-da Kooxodo Ee Ugu Waaweyn Premier League.

0
84

 

Xidhitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga ayay ka hadhsantahay muddo ka yar 2 todobaad kadib markii uu muddo bilo ah soo furnaa lana sameeyay saxiixyo badan.

Sidii caadada ahayd kooxaha premier League ayaa wacdaro ka dhigay suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo sameeyay saxiixyo aad u badan si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Kooxda Chelsea ayaa ah kooxda saxiixyada ugu badan ka samaysay suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo la soo saxiixday 7 xiddig xilli uu Lampard dhisayo koox u tartanta koobabka xilli ciyaareedkan.

Goolhaye Edouard Mendy ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ku soo biiray kooxda chelsea kaas oo goolka kula tartami doona Goolhaye Kepa.

Kooxaha Arsenal, Man United, Liverpool, Man City Iyo Tottenham ayaa sidoo kale si fiican isku xoojiyay iyaga oo sameeyay saxiixyo fiican oo ay u arkaan kuwo wax ku soo kordhin doona.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ay sameeyeen kooxaha waaweyn ee 6-da ah ee premier League ilaa haatan xagaagan.

Arsenal:

Willian, Gabriel, Alex Rúnarsson, William Saliba, Pablo Mari, Cedric Soares, Dani Ceballos

Chelsea:

Edouard Mendy, Ben Chilwell, Thiago Silva, Timo Werner, Kia Havertz, Malang Sarr, Hakim ZIyech

Man United:

Donny Van de Beek,

Liverpool:

Kostas Tsimikas, Thiago Alcantara, Diogo Jota,

Man City:

Nathan Ake, Ferran Torres, Pablo Moreno, Yan Couto

Tottenham:

Gareth Bale, Sergio Reguilon, Pierre-Emile Hojbjerg, Joe Hart, Matt Doherty

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here