Saxiixii 3-aad Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kooxda Arsenal, Horyaalka France Ayay Ka Soo Wadaan.

0
63

 

Goolhayaha Kooxda Dijon Runar Alex Runarsson ayaa maanta oo khamiis ah tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa heshiis 1.5 milyan euro ah la gaadhay kooxda reer France waxana ay haatan qarka u saaran yihiin dhamaystirka heshiiska.

Arsenal ayaa si deg-deg ah Runarsson ugu calaamadsatay badalka tooska ah ee Goolhaye Emiliano Martinez kaas oo 20 milyan oo euro ugu biiray kooxda Aston Villa.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, 25 jirkaan ayaa haatan lagu wadaa inuu dhameystiro baaritaankiisa caafimaadka ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska uu ugu soo biirayo Gunners.

Runar Alex Runarsson ayaa noqon doona saxiixii 3-aad ee cusbaa ee kooxda Arsenal ku soo biiray kooxda kadib markii ay kooxda yimaadeen xiddigaha Willian Iyo Gabriel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here