Saxiixa Cusub Ee Man United Van De Beek Oo Aman Kahelay mid ka mid ah Halyeyada M .U.

0
46

Donny van de Beek ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda Manchester United, ciyaartii saaxiibtinimo ay la ciyaareen naadiga Aston Villa, kaasoo qeyb ka ahaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League.

Weeraryahankii hore Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa ammaanay saxiixa cusub ee kooxda Donny van de Beek.

Manchester United ayaa kulankeeda ugu horreeya olalaheeda horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka cusub, waxay wajahi doontaa naadiga Crystal Palace Sabtida soo socota.

Haddaba “Daily Star” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, wareysi uu bixiyay Dimitar Berbatov, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan rajeynayaa in Manchester United ay ku guuleysan doonto seddexda dhibcood kulanka ay sabtida la ciyaarayaan kooxda Crystal Palace”.

“Waxaan arkay Donny van de Beek oo ciyaaraya kulankii saaxiibtinimo ee Aston Villa, waxqabadkiisuna wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, wuxuu door weyn ku yeelan doonaa kulamada waa weyn ee sanadkan”.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedka cusub ku soo gali doonta hammi weyn, ha noqoto tartamada gudaha England, ama tartanka Champions League oo ay Red Devils sanadkan ku soo laabatay.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa rajeynaya ama kooxdiisa  Manchester United ay ku guuleysan doonto inay gaarto himilooyinka taageerayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here