Saxiixa Cusub Ee Man United Edinson Cavani Oo Xushay Shaxdiisa Ugu Fiican Ee Xiddigihii Uu Ka Soo Garab Ciyaaray.

0
84

 

Xiddiga Edinson Cavani ayaa Man United yimid isaga oo sumcad weyn ku leh kubada cagta.

33 jirka ayaa Man United ku soo biiray maalintii ugu dambaysay waxana uu sugi doonaa in uu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaro Man United maadama lagu maqan yahay fasaxa xulalka.

Cavani ayaa yurub uga soo ciyaaray kooxaha Parma, Napoli iyo PSG kuwaas oo uu kaga soo garab ciyaaray xiddigo badan oo heer caalami ah.

Xiddiga reer Uruguay ayaa wacdaro ka soo dhigay kooxda PSG isaga oo noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda kooxdana kula soo guulaystay koobab aad u badan.

Cavani ayaa ka soo garab ciyaaray xiddigo badan waxana uu soo xushay shaxdii ugu fiicnayd ee xiddigihii uu ka soo garab ciyaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here