Sancho Oo La Xaqiijiyay In Uu Ku Biiri Doono Man United.

0
59

Tababarihii hore ee da’yarka Jadon Sancho ayaa sheegay in ku biirista xiddiga ee Man United ay u fiicantahay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund.

Louis Lancaster ayaa si dhaw ula shaqeeyay Sancho markii uu da’yarka ahaa una ciyaarayay kooxda Watford walina xidhiidh la leh xiddiga iyo waliba qoyskiisa.

“Haddii Jadon uu aadayo Manchester United waxaan u maleynayaa inay talaabo weyn u noqon laheyd isaga”ayuu yidhi Lancaster oo haatan caaawiye ka ah kooxaha Utah Royals isaga oo la hadlaya Manchester Evening News.

“Waxa uu ka hoos ciyaari doonaa tababare ku kalsoon, hadii aad eegto tababarayaasha qaar ma aaminaan tayadaas”.

“Jadon Waxa uu ku biirayaa Man United waxana uu wax weyn u noqon doonaa prmeier League, isagana way u fiicnaan lahayd sababta oo ah kooxda Man United waxa ay u dhisantahay guulaha, ma fiicna in uu tago koox aan guul u dhisnayn, Man United waxa ay leedaay taariikh weyn waxana ay leedahay shaqaale tababar oo aaminsan da’yarka.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here