Sancho, Bale, Telles, Ozil, Thiago, Martinez, Kante, Depay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

0
35

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda man United ayaa rajaynaysa in ay dhamaystirto 3 saxiix ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaana bartilmaameedka 1-aad u ah (Manchester Evening News).

Qorshaha Tababaraha Real Madrid ee isku shaandhaynta kooxdiisa xagaagan ayaa ku xidhan in ay Man United kooxdiisa kala wareegto xiddiga Gareth Bale (Marca).

Wakiilka xiddiga kooxda FC Porto ee Alex Telles ayaa ku sugan maagalada Manchester si uu u dhamaystiro heshiiska uu xididgu ugu soo wareegayo Old Trafford (A Bola).

Kooxda Man City ayaa dareenkeeda u jeedisay saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Diego Carlos kadib markii ay ku fashilantay isku daygii ay ku doonaysay daafaca Atletico madrid ee Jose Gimenez iyo daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly (Sport).

Kooxda Barcelona ayaa isaga hadhay baacsiga ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara (Bild).

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw saxiixa Goolhayaha kooxda Rennes ee Edouard Mendy (Telegraph).

Kooxda chelsea ayaa ku rajo weyn in ay kooxda Rennes kala heshoo 20 milyan oo euro Goolhayaha Edouard Mendy (Mail).

Tababaraha Kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa saxiixiisa riyada ka dhigtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante (Calciomercato).

Kooxda Arsenal ayaa rajo ka heshay saxiixa xiddiga Thomas Partey kadib markii ay Atletico Madrid u dhaqaaqday badalkiisa xiddiga Marc Roca (Marca).

Xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko ayaa qarka u saaraan in uu ku biiro kooxda Ac Milan xagaagan (Telegraph).

Xiddiga kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa qirtay in uuna ogayn meesha uu mustaqbalkiisu yaalo xilli ay Barcelona doonayso saxiixiisa (Mirror).

Mikel Arteta ayaa Aqbalay in uu Mesut Ozil dhamaysan doono heshiiskiisa kooxda Arsenal xilli ay Arintaas Gunners ka hor istaagi karto saxiixyo cusub (Star).

Kooxda Aston Villa ayaa dalab Rasmi ah miiska u saartay Arsenal kaas oo ay kaga dooayso saxiixa Goolhayaha Emiliano Martinez (Mail).

Kooxda Inter Milan ayaa ku kalsoon in ay si xor ah kula wareegi doonto xiddiga khadka dhexe ee Arturo Vidal (Tuttosport).

Daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa dhankiisa si xor ah uga tagi kara kooxda Barcelona xagaagan (Mundo Deportivo).

Kooxda Inter Milan ayaa beenisay in ay wax wadahadalo ah kula jiraan Barcelona kuwaas oo ku aadan saxiixa Lautaro Martinez (Goal).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here