Sancho, Bale, Coutinho, Messi, Wijnaldum & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

0
11

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la xidhiidhay xiddiga Jadon Sancho si uu ugu qanciyo in uu yimaado Old Trafford (Express).

Inkasta oo uu Gareth Bale aad u doonayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid  hadana ma jirto cid wax dalab ah ka soo gudbisay xiddiga reer Wales (Mundo Deportivo).

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa ku rajo weyn in ay Man United la wareegi doonto Xiddiga Gareth Bale (Express).

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa si cad u go’aamiyay in uu Philippe Coutinho sii joogi doono kooxda xagaagan (Marca).

Kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaa ku kalsoon in ay ka heshiin doonaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum (Sport).

Kooxaha Lyon iyo Barcelona ayaa ka heshiiyay saxiixa xiddiga Mephis Depay (Sun).

Kooxda Barcelona ayaa ku biirtay tartanka ay Liverpool ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Munich ee Thiago Alcantara (Mundo Deportivo).

Kooxda PSG ayaa qorshaynaysa in ay si xor ah ula wareegto xiddiga Lionel Messi marka uu dhoco heshiiskiisa Barcelona (RMC Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa qorshaynaysa in xiddigaha Erling Haaland & Kylian Mbappe kula soo wareegaan lacag dhan 261 xagaaga dambe (ABC).

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay dalabkii ugu dambeeyay ka gudbiso xiddiga kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez (Goal).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa isku diiday in uu ku biiro kooxda Man United (Don Balon).

Kooxda Atletico Madrid ayaa Man City ka diiday dalab 70 milyan oo euro oo ay oo ay ku doonaysay saxiixa daafaca Jose Maria Gimenez (Sun).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here