Samuel Umtiti Oo Barcelona Ka Caawin Kara Saxiixa Memphis Depay.

0
55

 

Wararka ka imanaya dalka France ayaa sheegaya in ay kooxda Lyon doonayso saxiixa daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wargayska L’Équipe ayaa sheegaya in ay kooxda Lyon doonayso saxiixa daafaca reer France kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Ronald Koeman.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda reer France haatanba wadahadalo ay heshiis amaah ah ku doonayso saxiixa daafaca la furtay kooxda Barcelona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona xiisaha Lyon ee saxiixa Umtiti u adeegsan doonto in ay ku hesho saxiixa xiddiga Memphis Depay.

Barcelona ayaa dhankeeda xiiso u qabta saxiixa xiddiga Depay kaas oo lala xidhiidhinayay tan ilaa markii uu Koeman tababaraha u noqday kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here