Salah, Bale, Ings, Alacantara, Telles & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

0
47

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Tottenham ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Southampton ee Danny Ings (Football.London).

Kooxda Man United ayaa kaliya bixin doonta lacag dhan 20 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee  Gareth Bale (Mundo Deportivo).

Kooxda Man United ayaa isaga hadhaysa baacsiga ay ugu jirto xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho (Telegraph).

Kooxda Juventus ayaa suuqa dhigtay xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ee Douglas Costa (Goal).

Xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Sergio Reguilon ayaa iska diiday Man United isaga oo doortay in uu amaah kale ugu laabto Sevilla (Star).

Xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen ayaa loo ogolaan doonaa in uu isag tago kooxda Unter Milan xagaagan bilo kadib markii uu kooxda ku soo biiray (Calciomercato).

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la furtay kooxda Dijon iyaga oo ka doonaya Goolhayaha reer Iceland ee Alex Runarsson (Telegraph).

Kooxda Fc Porto ayaa hoos u dhigtay qiimihii ay Man United kaga iibinaysay xiddiga Alex Telles (A Bola).

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah Ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Barcelona xagaagan (Sun).

Kylian Mbappe ayaa dagaal dhex-dhigay kooxaha Man United, Liverpool iyo Real Madrid (Sun).

Kooxda Man United ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Inter Milan ee Ivan Perisic (Telegraph).

Tababaraha Kooxda Tottenham Jose Mourinhho ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku soo daro xiddiga kooxda Real Madrid ee Sergio Regulion (Mail).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alacantara ayaa haatanba heshiis la gaadhay kooxaha Man United ama Liverpool sida uu xaqiijiyay madaxweynihii hore ee Bayern Munich (Express).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka France ee Mounir Chouiar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here