Sadio Mane Oo Kashifay Qaabkii Ay Xiddigaha Liverpool Uga Fal Celiyeen Saxiixa Thiago Alcantara

0
104

 

Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha Liverpool ay si la mid ah taageerayaasha Reds ugu farxeen markii uu Thiago Alcantara ku soo biiray kooxda xaagan Waxana uu sheegay in uu xiddiga khadka dhexe leeyahay tayo uu kooxda ugu qaadi karo heer kale.

Jurgen Klopp ayaa doonayay in uu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa waxana uu doortay xiddiga Thiago kaas oo doonayay in uu isaga tago Bayern Munich.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa 20 milyan oo euro ugu soo biiray Liverpool waxana uu 45 daqiiqo ciyaaray kulankii ay Liverpool 2/0 uga badisay Chelsea.

“Waxan u malaynayaa in ayna taageerayaashu ahayn kaliya kuwii ku faraxsanaa saxiixa Thiago”ayuu Mane yidhi.

“Shaki la’aan xiddigaha kooxdu waxa ay ku farxeen markii uu Thiago ku soo biiray waxana uu leeyahay tayo uu kooxdeena kaga dhigi karo kuwo fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here