Sadio Mane Oo Amaan Ugu Qubeyey Saxiixa cusub ee liverpool.

0
51

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa Amaan ugu qubeeyay saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara kadib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay kulankii Chelsea.

Thiago Alcantara ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta isaga oo badalay kabtan Jordan Henderson sidaasna ku ciyaaray daqiiqadihiisii ugu horeeyay.

Liverpool ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay chelsea iyada oo uu Sadio Mane dhaliyay 2 gool kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Sadio Mane oo ciyaarta kadib la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi” Alcantara? waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka cid walbana way garanaysaa awoodiisa”.

“Waa xiddig cajiib ah cid walbana way daawatay waana la ogyahay in uu yahay xiddig fiican”.

“Nasiib ayaan leenahay hadii uu Alcantara ku soo biiray kooxdeena Liverpool waxana uu maanta muujiyay awoodiisa”.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here