Saddex Sabab Oo Uu Houssem Aouar Isaga Diiday Arsenal Una Doortay In Uu Sii Joogo Lyon Oo La Ogaaday.

0
54

 

Houssem Aouar ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal waxana uu sii joogi doonaa kooxda Lyon xilli uu xiddiga khadka dhexe iyada oo uu xiddigu maamulka kooxda u sheegay go’aankiisa sabtidii.

Tababaraha Gunners ee Mikel Arteta ayaa si aad ah u doonayay in uu helo xiddiga khadka dhexe laakiin Arsenal ayaan heli doonin xiddiga ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsigu maalinta Isniinta.

Lyon ayaa ka baxday wadahadaladii ay kula jirtay Arsenal iyada oo sheegtay in uu 22 jirku sii joogi doono kooxda inta lagu jiro xagaagan.

Wargayska RMC ayaa shaaca ka qaaday 3 sabab oo ka dambaysay go’aankii uu isaga diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal inta ka dhiman suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sababta ugu horaysa ayaa in ay Arsenal wakhti dheer ku qaadatay dhamaystirka saxiixa xiddiga waliba ayna Lyon heli doonin wakhti ay badalkiisa ku hesho xagaagan.

Sababta 2-aad oo ahady mid ugu muhiimsan ayaa ah tartanka Euro 2021 oo xagaaga dambe la qaban doono iyada oo uu Houssem Aouar rumaysanyahay in uu haysto fursad fiican oo uu kaga qayb noqdo xulka qaranka France hadii uu sii joogo kooxda Lyon maadama uuna Mikel Arteta u balan qaadin in uu si joogto ah ugu ciyaari doono Arsenal xilli ciyaareedkan.

Sababta ugu dambaysa ayaa ah in uu Houssem Aouar doonayo in uu Lyon ka caawiyo in ay u soo baxdo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here