Sababtii Uu Ousmane Dembele Isaga Diiday Man United Oo La Ogaaday.

0
75

 

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday ku biirista Man United suuqii xagaaga sabab la xidhiidha in uu doonayo ku biirista kooxda Juventus.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in xiddiga garabka ka ciyaara uuna mustaqbal ku lahayn kooxda Barcelona ee uu hogaaminayo Ronald Koeman.

Ousmane Dembele oo xulka qaranka France kula guulaystay koobkii adduunka 2018 ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Juventus ee uu hogaamiyo tababare Andrea Pirlo.

Sidaas darteed xiddiga 22 Jirka ah ayaa iska diiday ku biirista kooxda Man United maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga inkasta oo ay United Kala heshiisay saxiixa xiddiga kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga Ousmane Dembele  si ay ugu xoojiso garabka weerarka kooxda xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here