Sababtii Uu Edinson Cavani Isaga Diiday Real Madrid Una Doortay Man United Oo La Ogaaday.

0
45

Edinson Cavani ayaa wadahadalo la qaatay kooxaha Real Madrid iyo Juventus ka hor inta uuna ugu dambayn go’aansan in uu ku biiro kooxda Man United.

Cavani ayaa noqday xiddig xor ah xagaagii kadib markii uu isaga tagay kooxda PSG oo uu kula guulaystay 6 horyaal una daliyay 200 oo gool 301 kulan.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus Cavani u soo bandhigtay heshiis 2 sano ah oo uu ku qaadan doono sanadkii mushahar dhan 8 milyan oo euro halka ay kooxda Real Madrid wadahadalo la gashay xiddiga weerarka ka ciyaara.

Xilli uu xiddigu la dhacay dalabyadii uu ka helay labada kooxood ee Juventus iyo Real Madrid hadana xiddiga ayaa aad uga helay ku biirista kooxda Man United sabab la xidhiidha awooda magac ee ay ku leeyihiin adduunka.

Sidaas darteed xiddiga reer Uruguay ayaa iska diiday kooxaha Juventus iyo Real Madrid si uu ugu biiro Man United maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.

Laacib.net

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here