Sababta Ay Alisson & Thiago Alcantara Ku Seegi Karaan Kulanka Arsenal Oo La Ogaaday, Ma Ahan Dhaawac.

0
74

 

Alisson & Thiago Alcantara ayaa khatar ugu jira in ay seegaan kulanka adah ee ay Liverpool caawa la ciyaari doonto kooxda Arsenal kulan ka tirsan todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League.

48-kii saac ee ugu dambeeyay ayaa si weyn la iskula dhexmarayay in ay labada xiddig seegi karaan kulana Anfield ka dhici doona caawa kana tirsan premier League.

Si kasta ha ahaatee saacadihii ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in ay labada xiddig taam u noqdeen in ay ka qayb qaataan kulanka caawa ee premier League.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in sababta ay labada xiddig ku seegi karaan ay tahay sabab la xidhiidha xanuunka Korona ee adduunka ka yaabiyay.

Labada xiddig ayaa la sheegayaa in ay isku arkeen calaamadaha xanuunka Korona taas oo keentay in laga saaro tababarkii Axadii iyada oo loo diray baadhitaano dheeraad ah.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in ay labada xiddig heleen jawaabtii waliba la xaqiijiyay in ayna qabin xanuunka Korona sidaas darteed ay taam u noqon doonaan kulanka caawa ee prmeier League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here