Ronald Koeman Oo U Jawaabay Lionel Messi & Weerarkii Uu Ku Qaaday Kooxda Kadib Iibkii Suarez.

0
68

 

Ronald Koeman ayaa hoos u dhigay falcelinta Lionel Messi ee ku aadan ku biiridii Luis Suarez ee kooxda Atletico Madrid.

Tababaraha cusub ee Barcelona ayaa u ogolaaday weeraryahanka in uu isaga tago kooxda inkasta oo uu qirtay in uuna kaligiis qaadan go’aankaas.

“Waxay umuuqataa inaan ahay qof xun filimkaan maxaa yeelay waxa aan bilaabay Go’aanka lagu iibiyay suarez, laakiin waxa aan u muujiyay Ixtiraam, shaqsi ahaan iyo ciyaartoy ahaanba”ayuu Koeman yidhi.

“Waxaan u sheegay hadii uu sii joogo inay ku adkaan doonto inuu ciyaaro, laakiin hadii uu sii joogo uu ka mid noqon doono kooxda”.

“Ka hor intii aanan u saxiixin, kooxda ayaa mar horeba sii qaatay go’aanka aniguna waan taageeray go’aankaas”.

“Aniga kaliya go’aanka ma qaadan”.

“Waa iska caadi in uu Messi xanaaqsanyahay kadib markii uu saaxiibkiisa ka tagay kooxda”.

“Leo waxa tusaale u ahaa qof walba tabaabrka iyo kulamada”.

“Marna ma arkin isaga oo aan diyaar u ahayn xilli ciyaareedka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here