Ronald Koeman Oo Kashifay Waxa Ka Hor Istaagay In Uu Dib U Dhis Ku Sameeyo Barcelona Suuqii Xagaaga.

0
67

 

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa qirtay in xaalada dhaqaale xumo ee kooxdu in ay ka hor istaagtay in uu dib u dhis ku sameeyo kooxda suuqii xagaaga.

Xanuunka Korona ayaa dhaqaale xumo ku keenay kooxaha taas oo la macno ahayd in uu Ronaldo Koemna xoojin waayo kooxdiisa intii lagu jiray suuqa xagaaga.

Xiddigaha Luis Suarez, Arthur, Ivan Rakitic & Arturo Vidal ayaa ka tagay kooxda waxana kooxda yimid Miralem Pjanic, Sergino Dest and youngsters Trincao, Pedri & Matheus Fernandes.

Koeman ayaa u sheegay Barca TV”Kooxdu waa caadi, waxa aan ku faraxsanahay xiddigaha aan haysto”.

“Waxa aan isku dayay in aan dib u dhis ku sameeyo kooxda laakiin xaalada dhaqaale ee kooxda ayaa iga hor istaagtay arintaas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here