Ronald Koeman Oo Ka Hadlay Qaab Ciyaareedka Cajiibka Ah Ee Uu Luis Suarez Ku Bilowday Atletico Madrid.

0
52

 

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa fariin u diray xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez kaas oo ka tagay kooxda Barcelona.

Weeraryahanka Luis Suarez ayaa ka tagay Barcelona maalmo ka hor isaga oo ku biiray kooxda Atletico Madrid.

Suarez ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Atletico Madrid isaga oo 2 gool dhaliyay kulankii Granada ee horyaalka La Liga.

Keoman oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ognahay Suarez in uu yahay weeraryahan cajiib ah laakiin waxa aan qaadanay go’aanka tagitaankiisa”.

“Kuma faraxsani in uu dhaliyo gool u dhaliyay Atletico Madrid laakiin waa in aan ka fikirno kooxdeena”.

“Waxa aan suarez u rajaynaynaa nasiib wacan kooxdiisa cusub”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here