Ronald Koeman Oo Arin La Yaab Leh Ku Sababeeyay Bar-Barihii Ay Barcelona La Gashay Sevilla.

0
70

 

Tababaraha Kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa arin la yaab leh sabab uga dhigay bar-barihii ay kooxda Kooxdiisu la gashay Sevilla horyaalka La Liga.

Tababaraha reer Holland ayaa meelo ka mid ah qaab ciyaareedka kooxdiisa ku faraxsnaa laakiin tilmaamay arinta ay kooxdiisu uga badin wayday Sevilla.

“Waxa uu ahaa kulan adag”ayuu Koeman yidhi ciyaarta kadib.

“Waxa ay sameyaan cadaadis fiican”.

“Dhibaatada na haystay ayaa ahayd in aanan u ciyaarayn sidii aan doonaynay”.

“Waxa ay ku fiicnaayeen marka ay kubada haystaan, waxana ay ahaayeen koox naga xoog badan taas ayaana keentay in aan bar-baro ku dhaafi wayno Sevilla”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here