Rio Ferdinand Oo Sharaxay Saamaynta Uu Imaatinka Cavani Ula Macno Yahay Mason Greenwood

0
39

 

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in imaatinka Edinson Cavani ee Man United ay Mason Greenwood qaab ciyaareedkiisa Man United u qaadi doonto Heer kale.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa suuqii xagaaga oo dhan ku dadaalayay in uu xiddigo cusub oo dhanka weerarka ah ku soo daro kooxdiisa.

Tababaraha ayaa ku fashilmay saxiixyada Jadon Sancho & Ousmane Dembele laakiin kooxdiisa si xor ah ku keenay xiddigii hore ee kooxda PSG ee Cavani.

33 jirka ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah iyo hal sano oo kale oo dookh ah isaga oo dhamaystiray ku biiristiisa United maalitii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga Cavani ayaa weerarka kula tartami doona xiddigaha Anthony Martial, Marcus Rashford & Mason Greenwood xilli ciyaareedkan.

Xiddigii hore ee Man United Romelu Lukaku ayaa ka soo hor jeeday Saxiixa Cavani maadama uu hor istaagayo horumarka xiddigaha Martial iyo Greenwood.

“Hadii aad la soo saxiixato weeraryahan cusub maxaad ku samaynayaa Anthony”ayuu Lukaku u sheegay The Times.

“Waxa sidoo kale horumar cajiib ah ku jira Mason kaas oo dhawaan noqon doona weeraryahan dilaa ah”.

Laakiin Halyeeyga Man United ee Rio Ferdinand ayaa rumaysan in imaatinka Cavani ay tusaale uu maro u noqon doonto 18 jirka mason Greenwood.

Ferdinand oo ka hadlaya waxa uu Cavani ku soo kordin doono United ayuu ku jawaabay”Waxaan u maleynayaa qaabka uu u ciyaarayo, sida uu naftiisa u ilaaliyo, sida uu u tababarka u qaato, waxa uu bari karo xiddigaha da’yarka ah gaar ahaan Mason Greenwood”.

“Waa xiddig farsamo yaraan ah, waa weeraryahan sare waxana uu heerka ugu sareeya joogay sanado badan waxana uu 200 u dhaliyay kooxda PSG Waxana uu ku guulaystay koobab badan”.

“Xiddig Greenwood oo kale ah, in uu daawado waliba la tababarto si joogto ah waxa ay u diyaarinaysaa mustaqbalka waxana uu qaab ciyaareedkiisa u qaadi karaa heer kale”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here