Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League & Halka Arin Ee Liverpool Ka Hor Istaagi Kara Ku Guulaysiga Horyaalka.

0
10

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa rumeysan in Liverpool ay weli ugu cadcadahay ku guuleysiga Horyaalka Premier League inkasta oo kooxaha ay xifaaltamaan iska xoojinayaan suuqa kala iibsiga.

Kooxdii kaalinta 2-aad gashay xilli ciyaareedkii hore ee Man City ayaa kooxdeeda ku dartay xiddigaha Nathan Ake & Ferran Torres Halka ay chelsea la soo saxiixatay 7 xiddig oo cusub si ay u xoojiso kooxda.

Kooxda Frank Lampard ayaa kooxda keentay Timo Werner, Hakim Ziyech, Thiago Silva, Xavier Mbuyamba, Ben Chilwell, Malang Sarr Iyo Kai Havertz.

Kooxda Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii hore 18 dhibcood ku qaaday horyaalka premier League kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Daaficii hore ee Manchester United Ferdinand ayaa sheegay in kooxaha kale soo yarayn karaan farqiga ay ka dambeeyaan Liverpool xitaa ku garaaci karaan horyaalka inkasta oo uu aaminsan yahay in Reds ay weli tahay kooxda ugu cadcad hanashada horyaalka.

Ferdinand ayaa u sheegay TEAMtalk: “Qofna ma dhihi karo Liverpool waxa ay soo qaadatay xilli ciyaareed la yaab leh sababta oo ah waxa ay aad uga horeeyeen kooxaha la tartamayay laakiin hal arin ayaa dhinacooda arintaasna ma filan karaan in ay mar kale dhacdo”.

“Arinta furaha u ahayd ayaa ah in ay taam ahaansho ku hayeen xiddigaha ugu fiican kooxda labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, waxa ay ahayd mid aad u weyn ilaa haatana ma garan karno sida ay socon karaan hadii ay dhaawac muddo dheer ah ku waayaan xiddigaha muhiimka u ah”.

“Virgil van Dijk wuxuu ciyaaray ku dhowaad kulan kasta labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, wayna adagtahay in uu sii wado arintaas, Mohamed Salah waxa uu taam ahaa dhamaan kulamada waaweyn sidoo kale Sadio Mane”.

“Waxa ay heleen ayaa ahayd in ay xiddigaha muhiimka ah sii haysteen heerkooda ugu sareeya ee qaab ciyaareedka taasna waa wax aan sugayno in aan mar kale aragno”.

“Su’aalo ayaa la weydiin doonaa dadka u qaabilsan suuqa wixii laga bilaabo halkan, 3-da xiddig ee weerarka ayaa si joogto ah qaab ciyaareed u soo bandhigay, laakiin waa in ay eegaan xiddigo tayo leh oo kaydka u fadhiya hadii ay muddo dheer dhaawac uga maqnaadaan Salah ama Mane”.

“Marka aan eego markii aan u ciyaarayay Man United ma jirto xilli ciyaareed ay kooxdu wada haystay xiddigaha waaweyn oo wada taam ah, sidaas darteed Liverpool waxa ay leedahay nasiib ama waxa ay shaqo fiican ka qabataa waaxda caafimaadka”.

“Hadii ay xiddigaha waaweyn taam u ahaadaan ma arkayo cid Liverpool ka joojinaysa ku guulaysiga horyaalka laakiin hadii ay xiddigaha muhiimka ah ka dhaawacmaan arintaas kaliya Man City wado uma furayso laakiin sidoo kale kooxaha kale”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here