Real Madrid Oo War Fiican Heshay Ka Hor Kulanka Real Valladolid

0
81

 

Kooxda Real Madriid aya war fiican ka heshay tababarka ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Real Valladolid kulan ka tirsan horyaalka La Liga sida uu sheegay wargayska Defensa Central.

Wargayska Defensa Central ayaa sheegaya in uu Daafaca bidix ee Marcelo diyaar u noqon doono kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Real Valladolid kulankoodii 3-aad ee horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa kulanka arabcada ee ay la ciyaari doonaan kooxda Real Valladolid kulan horyaalka La Liga.

Daafaca Bidix ee Marcelo ayaa dhaawac wakhti dambe ah ku seegay kulankii Real Betis ee horyaalka La Liga laakiin xiddiga ayaa tababarka kooxda si caadi ah ula qaatay kooxda inteeda kale.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Real Madrid marka loo eego in ay dhaawac ku wayday xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos kaas oo muhiim u ah kooxda Zidane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here