Real Madrid Oo Shaacisay Natiijada Baadhitaanka ciyaartoyda Kooxda Ee Xanuunka Korona Ka Hor Kulankooda Real Betis.

0
58

 

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u shaacisay Natiijooyinka baadhitaankii xanuunka Korona ee laga qaaday kooxda ka hor kulankooxda Real Betis ee Horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa isku diyaarinaysa kulankoodii 2-aad ee horyaalka La Liga iyaga oo la ciyaari doona kooxda Real Betis kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Ka hor kulankooda Sabtida Real Madrid ayaa bogeeda Ku xaqiijisay in baadhitaan xanuunka Korona ah laga qaaday xiddigaha kooxda 1-aad & shaqaalaha tababarka iyada oo aan laga helin xanuunka.

Warbiixntan ayaa beesha ka saaraysa Wararkii sheegay in xiddiga Martin Ƙdegaard laga helay xanuunka Korona ee saacadihii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay.

Real Madrid ayaa haatan bilaabi doonta isku diyaarinta kulanka Real Betis oo ay doonayaan in ay gaadhaan guushoodii ugu horaysay ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here