Real Madrid Oo Qaaday Talaabo La Yaab Leh Oo Ka Dhan Ah Gareth Bale.

0
38

Kooxda Real Madrid ayaa gabi ahaan xiddiga Gareth Bale ka saartay baraha bulshada iyo waliba iibinta maaliyada ee uu magaciisu ku qoran yahay xilli ay doonayaan in ay iska iibiyaan xiddiga xagaagan.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in maamulka Real Madrid bakhaarada lagu iibiyo maaliyada kooxda laga saaray maaliyada Bale ee No.11.

Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii xiddiga laga reebay soo bandhigistii maaliyadaha cusub ee kooxda ee xilli ciyaareedka cusub kadib markii uu xiddig walba ka soo muuqday soo bandhigista maaliyada.

Sidoo kale Bale ayaa si gaar ah tababar ugu qaata isaga oo aan wali wax tababar ah la qaadan kooxda kooxda tan ilaa markii uu tababarka ku soo laabtay.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isgaa tagayo kooxda xilli ay Real Madrid kalsooni ku qabto in ay dalab ka heli doonaan kooxaha Man United ama Tottenham xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here