Real Madrid Oo Man United U Soo Bandhigtay Saxiixa Sergio Reguilon Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

0
11

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United u soo bandhigtay saxiixa xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara ee Sergio Reguilon si ay ugu xoojiso booska daafaca Bidix xilli ciyaareedka dambe.

Sidoo kale Man United ayaa loo sheegay in ay xiddiga ku heli karto lacag dhan 27 milyan oo euro xagaagan laakiin Los Blancos ayaa shardi ku xidhay kooxda Red Devils.

Wargayska El Partidazo de COPE ayaa sheegaya in ay Real Madrid dhigeeda Man United u sheegtay in ay saxiixa xiddiga ku xidho shardi u ogolaanaya in ay dib ula wareegto xiddiga Sergio Reguilon mar walba oo ay doonayso in ay dib u ceshato xiddiga.

Sidoo kale Real Madrid ayaa doonaysa in ay kaliya kula wareegayso 27-ka milyan ee ay haatan kaga iibinayso Man United hadii ay dib ula wareegayso xiddiga 23 jirka ah.

Wargayska Daily Mail ayaa dhankiisa sheegaya in ay kooxda Mna United ka meer-meerayso arintaas oo ayna doonayn in heshiiska lagu daro heshiis Real Madrid u ogolaanaya in ay dib ula wareegto xiddiga.

Xiddiga Sergio Reguilon oo amaah ku soo qaatay kooxda Sevilla xilli ciyaareedkii hore ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore laakiin Zidane ayaan boos joogto ah u hayn xiddiga 23 jirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here