Real Madrid Oo Maanta Ciyaari Doonta Kulankoodii Ugu Horeeyay Ee Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
71

Kooxda Real Madrid ayaa maanta oo salaasa ah la ciyaari doonta kooxda Getafe kulan ka tirsan kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2020/2021.

Horyaalka La Liga ayaa go’aansaday in ay dib u dhigaan 3 kulan oo todobaadka ugu horeeya ee horyaalka La Liga ah waxana ka mid ah kulan ay ciyaaraysay kooxda Real Madrid.

Real Madrid iyo kooxda Getafe ayaa go’aansaday in ay maanta ku kulmaan kulan saaxiibtinimo ah oo ay labada kooxood isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka waxa Real Madrid ka maqnaan doona xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Eden Hazard, Gareth Bale, Sergio Reguilon, Asensio iyo Lucas Vasquez.

Kulanka ayaa soo dhici doona 1:00 duhurnimo laakiin kulanka ayaan la daawan karin sabab la xidhiidha in uu Zidane codsaday in uu noqdo kulan albaabadu u xidhanyihiin.

Wixii faah-faahin ah ee kulanka ka soo baxa waxa aad kala socon doontaan kooxda.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here