“Real Madrid Ma Doonayso Umana Baahna Lionel Messi”.

0
47

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa ka hadlay wararkii Lionel Messi la xidhiidhinayay kooxda Real Madrid xagaaga.

Lionel Messi ayaa bishii hore codsaday in uu isaga tago kooxda Barcelona laakiin Kooxda ayaa diiday in uu ka tago kooxda iyada oo aan la bixin lacagta 700 ee milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Waxa jirtay wargaysyada qaar Real Madrid la xidhiidhinayay saxiixa Messi laakiin Kroos ayaa aaminsan in ayna arintaas dhici karin sabab la xidhiidha Labada dhinac.

Ugu horayn xiddiga ayaan ogolaan doonin in uu Barcelona u khiyaamo kuna biiro kooxda ay xafiiltamaan halka ayna Real Madrid doonayn in ay la soo saxiixato xiddiga.

Kroos oo wargayska MARCA la hadlaya ayaa yidhi markii wax laga waydiiyay suurtagalnimada uu Messi ugu biiri karo Real Madrid”Uma malaynayo in uu doonayo in kuu biiro Real Madrid sidoo kale Real ma doonayso umana baahna saxiixiisa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here