Real Madrid Iyo Barcelona Oo Kulamo Adag La Leh Levante Iyo Sevilla , Barca Rikoor Noocee Ah Ayay Camp Nou Ku Leeyihiin

0
50

 

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa kulamo adag waxa ay la ciyaaraaan kooxaha Levante iyo Sevilla kaasi oo ka tirsan wareegga 3-aad ee La Ligaha.

Xogta Laventa Vs Real Madrid: Kooxda Levante kaliya waxa ay guul dareysteen laba jeer oo qeyb ka ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay ka hor tageen Real Madrid , laba bar bar dhac iyo laba guul ah ayay wataan.

* Tan iyo Markii uu tababare Paco Lopez uu yimid Levante waxa ay badiyeen laba kulan oo qeyb ka ah afar kulan oo ay Real kaga hor tageen La Ligaha , labana waa laga badiyay .

* Real Madrid guul darro lama aysan la kulmin 14-tii kulan ee ugu dambeeyay La Ligaha , 12 waa badiyeen labana bar bar dhac .

Xogta Barcelona Vs Sevilla

* Kooxda Sevilla waa bilaa guul 17-kii kulan ugu dambeeyay La Ligaha ee ay Barcelona uga hor tageen qalcadda Camp Nou , waxa ay wataan laba bar bar dhac iyo 15 guul darro

* Barcelona ma aysan guul dareysan 25 kulan oo qeyb ka ah 26-kii kulan ee ugu dambeeyay La Ligaha ee ay Sevilla la ciyaareen, 19 jeer waa badiyeen halka 6 jeerna ay galeen bar bar dhac

* Barcelona ayaa ah kooxda ugu badan ee ay haysta dhanka guusha 83 aya wadataa halka banaanka garoonkooda ka wataan 59 jeer iyaga oo Sevilla ka hor tagaya

* Barcelona kaliya hal kulan ayaa laga badiyay 32-dii kulan ee ugu dambeeyya ee La Ligaha ee ay ku ciyaaren garoonkooda Camp Nou , 28 jeer waa badiyeen halka sedexna ay galeen bar bar dhac .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here