RASMI:Isku Aadka Wareega 16-ka Carabao Cup-ka Oo La Soo Saaray, Liverpool Vs Arsenal

0
65

 

Liverpool ayaa la ciyaari doonta kooxda Arsenal wareega 16-ka ee tartanka Carabao Cup-ka todobaadka dambe.

Reds ayaa Anfield ku soo dhawayn doonta laba jeer muddo maalmo gudohood ah marka ay Isniinta la ciyaaraan premier League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa iska xaadiriyay wareega 16-ka tartanka Carabao cup-ka kadib markii ay 7/2 ku xasuuqeen kooxda Lincoln City.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda marti u noqon doonta kooxda Brighton halka ay Man City la ciyaari doonto kooxda Burnley.

Chelsea ayaa iyadu midkood la ciyaari doonta kooxaha Leyton Orient & Tottenham midkooda soo badiya kulanka ay wada ciyaari doonaan.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Isku aadka wareega 16-ka oo dhamaystiran:

Liverpool vs Arsenal

Burnley vs Manchester City

Brentford vs Fulham

Everton vs West Ham

Aston Villa vs Stoke City

Leyton Orient/Tottenham Hotspur vs Chelsea

Newport County vs Newcastle United

Brighton & Hove Albion vs Manchester United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here