RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagayo Levante.

0
48

 

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Levante kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Zinedine Zidane ayaa ku laabtay kooxda da’yarka Real Madrid ee Castila si uu ugu buuxiyo daafaca dhaawacyadu hadheeyeen isaga oo soo qaatay xiddiga Victor Chust.

Real Madrid ayay Kulanka Levante ka maqanyihiin xiddigaha Eder Militao, Eden Hazard, Toni Kroos, Dani Carvajal, Alvaro Ordriozola & Mariano sidaas darteed waxa uu soo doortay kaliya 20 xiddig.

Los Blancos ayay hadheeyeen dhaawacyo tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka horyaalka iyaga oo waayay xiddigo badan oo muhiim ah.

Halka Hoose kaga bogo Liiska zidane soo xushay:

Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Ferland Mendy, Victor Chust, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Martin Odegaard, Isco, Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinivius and Rodrygo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here