RASMI: Ziendine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Iman Doono Real Valladolid, Xiddigo Muhiim Ah Ayaa Ka Muuqda

0
80

 

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor iman doono kooxda Real Valladolid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Zidane iyo kooxdiisa ayaa isku diyaarinaya kulanka Real Valladolid oo noqon doona kulankii 3-aad ee ay kooxdu ciyaartay horyaalka La Liga.

Waxa Liiska ku soo laabtay xiddigo badan oo muhiim u ah kooxda kadib markii ay ka soo kabsadeen dhaawacyo kala duwan oo ay ku seegeen kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddigaha Marcelo, Eden Hazard iyo Asensio ayaa dhamaan taam u noqday kulanka iyaga oo ku jira liska 23-ka xiddig ee uu Zidane soo xushay

Laakiin waxa Liiska ka maqan xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos kaas oo dhaawac kaga baxay kulankii Real Betis ee horyaalka La Liga.

Goolhayeyaasha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Daafacyada: Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy.

Khadka dhexe: Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Martin Odegaard, Isco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Borja Mayoral, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinicius Junior, Rodrygo Goes.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here