RASMI: Wakhtiga Ay Liverpool & Arsenal Wada Ciyaari Doonaan Kulanka Wareega 4-aad Ee Carabao Cup-ka Oo La Xaqiijiyay.

0
88

 

Waxa si Ramsi ah loo xaqiijiyay wakhtiga ay wada ciyaari doonaan kooxaha Liverpool & Arsenal ee tartanka Carabao Cup-ka kadib markii ay iska xaadiriyeen wareega xiga.

Kooxaha Liverpool & Arsenal ayaa iska xaadiriyay wareega 4-aad ama wareega 16-ka tartanka Carabao Cup-ka kadib kulamadii ay ciyaareen Arbacadii iyo khamiistii.

Sidaas darteed labada kooxood ayaa isaga hor iman doona wareega xiga si ay u goostaan tigidhkooda wareega xiga ee 8 dhamaadka tartanka xilli ciyaareedkan.

Waxa haatan la xaqiijiyay in ay Arsenal booqan doonto Anfield 1 bisha October ee soo socota si ay ula ciyaarto Liverpool kulan ka tirsan wareega 4-aad ee tartanka Caraboa cup-ka xilli ciyaareedkan.

Taas ayaa la macno ah in ay labada kooxood ciyaari doonaan laba kulan 4 maalin gudohood marka loo eego in ay 28 bisha wada ciyaari doonaan kulan premier League ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here