RASMI: UEFA Oo Shaacisay Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Yurub Sanadkan.

0
78

 

Xidhiidhka Kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray Liiska xiddigaha iyo tababarayaasha u tartami doona Abaalmarinta xiddiga iyo tababaraha ugu fiican champions League sanadkan.

Xiddigaha Bayern Munich ee Manuel Neuer iyo Robert Lewandowski ayaa abaalmarinta kula tartami doona xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne.

Saddex-dan xiddig oo midkood loo magacaabi doono xiddiga ugu fiican yurub sanadkan ayay u codayn doonaan 80 tababar oo ka soo qayb galay wareegi Group-yada tartanka champions League iyo Europa League xilli ciyaareedkii hore, 55 saxafi oo ka tirsan xidhiidhka yurub iyo 55 masuul oo si gaar ah loo soo doortay.

Dhanka kale waxa abaalmarinta tababaraha ugu fiican u tartami doona saddex tababare oo reer Germany ah kuwaas oo wacdaro soo dhigay sanadkan.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa abaalmarinta kula tartami doona tababarayaasha RB Leipzig iyo Bayern Munich ee Hansi Flick iyo Julian Nagelsmann

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here