RASMI: Ronald Koeman Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Sevilla.

0
81

 

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Sevilla kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Sevilla kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub.

Ronald Koeman Ayaa Liiska ku soo daray xiddiga cusub ee Dest kaas oo khamiistii ku soo biiray laakiin Barcelona ayaa wali sugaysa warqada shaqada.

Xiddiga ayaa kulankiisii ugu horeeyay u ciyaari Kara Barcelona hadii ay ka hor ciyaarta kooxdu dhamaystirto warqada shaqada.

Waxa Liisa ka maqan daafaca Linglet kaas oo kaadhka cad qaatay kulankii ay Barcelona ka badisay kooxda Celta Vigo todobaadkii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here