RASMI: Ronald Koeman Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doon Villarreal.

0
65

 

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Villarreal caawa kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Waxa Liiska ka maqan Goolhaye Marc-André ter Stegen kaas oo dhaawac kaga maqan kooxda xilli la filayo in uu ku bilowdo Goolhaye Neto.

Dhanka kale waxa Liiska ku jira xiddigaha cusub ee Pjanic, Trincao Iyo Pedri kuwaas oo laga yaabo in ay ciyaaraan kulankoodii ugu horeeyay.

Waxa Liiska ka soo baxay xiddiga Dembele kadib markii uu dhaawac ku seegay intii badnayd xilli ciyaareedkii hore waxa la filayaa in uu ciyaari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here