RASMI: Real Madrid Oo UEFA U Gudbisay Liiska Xiddigaha Ay Kaga Qayb Qaadan Doonaan Wareega Group-yada Champions League.

0
58

 

Zinedine Zidane ayaa magacaabay Liiska 23 xiddig ee uu kaga qayb qaadan doono wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa Group B ee tartanka champions League  kula jira kooxaha Inter Milan, Shakhtar Donetsk Iyo Borussia Mönchengladbach.

Kooxd Real Madrid ayaa kulanka ugu horeeya la ciyaari doonta kooxda Shakhtar Donetsk kulan ka dhici doona garoonka Los Blancos.

Liiska ayay ku jiraan xiddigaha amaahda ka soo laabtay iyo waliba xiddigo haatan dhaawac uga maqan kooxda Real Madrid.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Zidane u gudbiyay UEFA:

Goolhayayaasha: Thibaut Courtois, Altube, Andriy Lunin

Daafacyada: Carvajal, Militão, Ramos, Marcelo, Mendy, Varane, Nacho.

Khadka Dhexe: Modirc, Kroos, Casemiro, Valverde, Odigaard, Isco,

Weerarka: Hazard, Benzema. Vinícius, Asensio, Jovic, Vázquez, Mariano Diaz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here