RASMI: Neymar Jr Oo War Bixin Rasmi Ah Ka Soo Saaray Xaaladiisa Caafimaad Miyuu Ciyaari kalaa Kulanka Xiga?

0
45

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar Jr ayaa ka hadlay xaaladiisa caafimaad kadib markii hore looga helay caabuqa aduunka ku baahay ee karoona fayras wuxuuna ka farxiyay jamaahiirtiisa PSG.

Neymar Jr ayaa fariin uu soo dhigay baraha bulshada waxa uu ku xaqiijiyay in uu gabi ahaanba ka soo kabsaday cudurka karoona oo hore looga helay wuxuuna hadda isku diyaarinayaa in uu diyaar u noqon karo kulanka adag ee ay PSG la ciyaari doonto kooxda Marseille.

PSG ayaa guuldaro 1-0 ah kala kulantay kooxda Lens kulankii furitaanka horyaalka League 1 waxaana PSG kulankaas ka maqnaa Neymar Jr,  Kylian Mbappe, Angel Di Maria, Leandro Paredes, Mauro Icardi, Marquinhos iyo Keylor Nava laakiin Thomas Tuchel ayaa rajaynaya in kulanka adag ee Marseille uu ciyaartoydan inka mid ah uu dib u heli doono.

Neymar Jr ayaa ka soo baxay goobtii uu karantiilka ugu jiray wuxuuna maanta dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa PSG kadib markii uu muddo la maqnaa caabuqa karoonaha.

Neymar Jr ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: “Waxaan dib ugu soo laabtay tababarka, aad ayaan u faraxsanahay. Karoonuhu ha baxo”. wuxuuna qoraalka soo raaciyay calaamadu waji faraxsan oo ay ka muuqato in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo kabsaday caabuqa karoonaha.

Tababare Thomas Tuchel ayaa la waydiiyay haddii uu kulanka Marseille uu dib u heli doono ciyaartoyda badnaa ee kulankii Lens ka maqnaa wuxuuna yidhi: “Haddii ay suurtogal noqoto, dhawr ciyaartoy ayaa ciyaari kara. Haddii Neymar, Di Maria ay ciyaaraan, haa, laakiin laba usbuuc kadib waxay ciyaari karaan tababar la’aan”.

“Jidh ahaan, anigu ma filayo in ay noqon karaan wiilasha wax go’aaminaya, markastaba waa halis, waxaa waajib nagu ah in aanu ciyaartooyda la hadalno iyo sidoo kale dhakhaatiirta” ayuu Tuchel hadalkiisa raaciyay.

Neymar Jr ayaa maray baadhitaan looga hubiyay cudurka karoonaha waxayna natiijadu noqotay negetive ama in aanu wax fayras ahi jidhkiisa ku jirin taas oo keentay in uu maanta dib ugu soo laabtay xarunta tababarka kooxdiisa PSG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here