RASMI: Nelson Semedo Oo laxaqiijiyey in Ku Biiray Koox Premier Leageu Ka Ciyaarta.

0
59

 

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu daafaceeda Nélson Semedo ku biiray kooxda Wolves Si Rasmi ahna uga taagay kooxda kadib 3 xilli ciyaareed oo uu joogay.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu Nélson Semedo ugu biiray Wolves lacag dhan 30 milyan oo euro iyo 10 milyan oo Gunooyin ah

Barcelona ayaa u mahad celisay xiddiga reer Portugal kaas oo joogay 3 sano garoonka Camp Nou kooxdana kula guulaystay koobab iyo kulamo muhiim ah.

Semedo ayaa Barcelona ku soo biiray xagaagii 2017 waxana uu kooxda u ciyaarayy 122 kulan isaga oo 82 kulan oo La Liga ah ciyaaray halka uu 23 champions League ah, 16 Copa del Rey ah iyo 2 kulan oo Spanish Super Cup ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here