RASMI: Man City Oo UEFA U Gudbisay Liiska Xiddigaha Ay Kaga Qayb Qaadan Doonto Wareega Group-yada Champions League.

0
54

 

Kooxda Man City ayaa UEFA u gudbisay Liiska xiddigaha ay kaga qayb gali doonto wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa hogaaminaysa Group-yada C iyada oo ay kula jiraan kooxaha Olympiacos, Marseille Iyo Fc Porto.

Liiska uu Pep Guardiola Gudbiyay ayaa lagu arkay dhamaan 3-dii saxiix ee ay Man City samaysay intii lagu jiray suuqii xagaaga ee xidhmay.

Sidoo kale Liiska waxa ku jira xiddiga Aguero kaas oo dhaawac kaga maqan kooxda tan ilaa bilowdii xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Guardiola u gudbiyay UEFA:

Goolhayayaasha: Ederson, Steffen, Carson

Daafacyada: Walker, Dias, Stones, Ake, Zinchenko, Laporte, Mendy, Cancelo

Khadka Dhexe: Gundogan, Rodri, De Bruyne, Bernardo, Torres, Fernandinho.

Weerarka: Mahrez, Sterling, Jesus, Aguero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here