RASMI: Liverpool Oo Warbixin Ka Soo Saartay Taam Ahaanshaha Alisson & Thiago Alcantara Saacado Ka Hor Kulanka Arsenal.

0
86

 

Xiddigaha Alisson & Thiago Alcantara Ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in ay taam u noqdeen kulanka adag ee ay Liverpool caawa la ciyaari doonto kooxda Arsenal.

Labada xiddig ayuu shaki ku jiray taam ahaanshohooda saacadihii la soo dhaafay kadib markii ay seegeen tababarkii 1-aad ee Axadii ee ay kooxdu isugu diyaarinaysay kulanka.

Laakiin Waxa haatan la xaqiijiyay in ay Alisson & Thiago Alcantara taam u noqon doonaan ka qayb qaadashada kulanka Anfield caawa ka dhici doona.

Ilaa haatan Lama oga in uu Klopp ku bilaabi doono shaxdiisa laakiin waxa la hubaa in ay Alisson & Thiago Alcantara taam u yihiin kulanka hadii ayna wax is badalin ka hor bilaabashada kulanka.

Taageerayaasha Liverpool ayaa si dhaw ugu dhag taagayay xaalada iyo wararka labada xiddig ee Alisson & Thiago Alcantara maadama ay yihiin laba xiddig oo muhiim u ah kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here