RASMI: Lionel Messi Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Barcelona.

0
41

Xiddiga kooxda barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu dambayn si Rasmi ah ugu soo laabtay tababarka kooxda Barcelona kadib markii uu go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Argentine oo doonayay in uu isaga tago kooxda Barcelona laakiin jimcihii go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda xagaagan.

Sidaas darteed shabakada beIN SPORTS ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in uu Lionel Messi maanta ku soo laabtay tababarka kooxda 1-aad.

Lionel Messi ayaa shalay yimid garoonka tababarka isaga oo maray baadhitaanka xanuunka Korona sidoo kale la kulmay tababarka kooxda ee Ronald Koeman ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Markii ugu horaysay maanta Lionel Messi ayaa ka hor xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga ee todobaadka dambe qaatay tababarka buuxa ee kooxda 1-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here