RASMI: Juventus Oo Magacawday Liiska Xiddigaha Ay Kaga Qayb Galayso Champions League.

0
51

 

Kooxda Juventus ayaa soo saartay Liiska xiddigaha uu ku ciyaari doonto wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedkan.

Saxiixa cusub ee kooxda Juventus Federico Chiesa ayaa ku jira Liiska waxana uu kooxda u xidhan doonaa No.22.

Kooxda Juventus ayaa wareega Group-yada champions League ku bilaaban doonta kulan ay marti u noqon doonaan kooxda Dinamo Kiev.

Kooxda ayaa si Rasmi ah UEFA ugu gudbisay Liiska xiddigaha ay kaga qayb qaadan doonaan tartanka wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Sami Khedira ayaa gabi ahaan laga reebay Liiska xiddigaha ay kaga qayb qaadan doonto tartanka wareega Group-yada.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha juventus u soo xulatay Champions League:

Goolhayayaasha: Szczesny, Buffon, Pinsoglio
Daafacyada: Chiellini, De Ligt, Alex Sandro, Danilo, Bonucci, Demiral, Frabotta, Cuadrado
Khadka Dhexe: Arthur, Ramsey, McKennie, Rabiot, Bentancur, Bernardeschi, Kulusevski, Portanova
Weerarka: Chiesa, Dybala, Morata, Ronaldo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here