RASMI: Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Seegi Doona Kulanka Arsenal.

0
96

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu kabtankiisa Jordan Henderson seegi doono kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Arsenal kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa kulankeedii 3-aad marti galin doonto kooxda Arsenal Kulan ka dhici doona Anfield iyaga oo doonaya in ay sii wadaan guulaha xidhiidh ah.

Liverpool ayaa war xun ka heshay qolka Labiska kadib markii uu Jurgen Klopp xaqiijiyay in uu Kabtankiisa Jordan Henderson seegi doono kulanka Arsenal.

Henderson ayaa dhaawac uga baxay qaybtii 2-aad ee kulankii ay Liverpool guusha 2/0 ah ka gaadhay kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa premier League.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi’Hendo wali kuma soo laaban tababarka sidaas darteed kulanka Arsenal ma ciyaari doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here