RASMI: James Rodriguez Oo Ku Soo Biiray Premier League.

0
9

Kooxda Everton ayaa xaqiijisay in ay la soo saxiixatay kubad sameeyaha reer Colombia James Rodriguez Kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Real Madrid.

James Rodriguez ayaa Everton u saxiixay heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo dookh ah oo uu ku sii joogi doono kooxda ka ciyaarta premier League.

James Rodriguez oo Real Madrid kala soo shaqeeyay Carlo Ancelotti ayaa mar kale kula soo biiray kooxda Everton kadib markii uu isaga tagay kooxda Los Blancos.

“Run ahaantii aad ayaan u faraxsanahay in aan ku soo biiray kooxdan weyn”ayuu James Rodriguez.

Xiddiga khadka dhexe ayaa isaga tagay Real Madrid kadib markii uu ku dhibaatooday in uu kulamada u ciyaaro xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here