RASMI: Inter Milan Oo Xaqiijisay Saxiixa Arturo Vidal.

0
60

 

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Arturo Vidal kaas oo qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo dookh ah.

Arturo Vidal ayaa si xor ah ugu soo biiray Inter Milan kadib markii uu isaga tagay kooxda Barcelona iyada oo la kansalay heshiiskii uu kula joogay kooxdaas.

Xiddiga Ayaa Axadii yimid magaalada Milan laakiin waxa saaka lagu dhawaaqay heshiiskiisa kadib markii uu Isniintii tijaabada caafimaadka u maray.

Vidal ayaa ku soo laabtay Serie A-da oo uu horay ugu soo ciyaaray kooxda Juventus intii u dhexaysay 2011 ilaa 2015 markaas oo uu kooxdaas kula guulaystay koobab.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa Inter Milan kula midoobaya tababare Antonio Conte oo uu kula soo shaqeeyay kooxda Juventus ka hor intii uuna ka tagin kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here