RASMI : Hazard Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulanka Real Valladolid , Imisa Todobaad Ayuu Garoomada Ka Maqnaanayaa?.

0
49

 

Xiddiga Real Madrid ee Hazard ayaa ka sheeganaya dhaawacy soo noq-noqday kuwaasi oo ragaadinaya in uu wax wacan uu la muujiyo Real tan iyo markii uu xagaagii 2019-ka uga yimid Chelsea .

Hazard weli wax kulan ah uma safan koodaas xilli ciyaareedkaan waxaana la filayay in uu safto kulanka caawa ay la ciyaarayaan Real Valladolid.

Real waxa ay haatan shaaca ka qaadeen In Hazard uu ka sheeganayo dhaawac muruqa lugta middigta ah sidaa darteedna uu seegayo kulankaas.

Waxaa haatan la xusayaa in laacibkaas uu garoomada ka maqnaan doono muddo u dhaxeysa 3 ilaa 4 todobaad .

Real Madrid ayaa haatan leh 4 dhibic oo La Ligaha ah ka dib bar bar dhicii Real Sociedad iyo guushii Real Betis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here