RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay Lambarka Cusub Ee Philippe Coutinho.

0
88

 

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay Lambarka Cusub ee uu Philippe Coutinho u qaadan doono kooxda 1-aad ee Barcelona.

Philippe Coutinho ayaa ka soo laabtay amaah uu xilli ciyaareedkii hore ku joogay kooxda Bayern Munich isaga oo xilli ciyaareedkan joogi doona kooxda.

Philippe Coutinho ayaa horay kooxda ugu qadan jiray Lambarka No.7 laakiin Lambarkaas ayaa haatan la siiyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo haatan qaadan doona Lambarkaas.

Philippe Coutinho ayaa kooxda haatan u xidhan doona Lambarka No.14 oo ah lambarkii uu kooxda u xidhay sanadkii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona ka horinta uuna u guurin lambarka No.7

Xiddiga Coutinho aya ku jira qorshaha Tababare Ronald Koeman xilli ciyaareedkan taas oo keentay in laga qaado suuqa kala iibsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here