RASMI: Barcelona Oo UEFA U Gudbisay Liiska Xiddigaha Ay Kaga Qayb Qaadan Doonto Wareega Group-yada Champions League

0
71

 

Kooxda Barcelona ayaa UEFA u gudbisay Liiska xiddigaha ay kaga qayb gali doonto wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedkan xilli ciyareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa la Group ah kooxaha Juventus, Dynamo Kiev Iyo Ferencvarosi Fc iyaga oo ku wada jira Group G ee tartanka oo bilaaban doona bishan haatan lagu jiro.

Barcelona ayaa tartanka bilaaban doonta 20 bishan haatan lagu jiro iyaga oo la ciyaari doona kooxda Ferencvarosi Fc kulan ka dhici doona Camp Nou.

Hadaba Tababare Ronald Koeman ayaa maanta UEFA u gudbiyay Liiska xiddigaha uu kaga qayb gali doono tartanka wareega Group-yada.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Koeman u gudbiyay UEFA:

Goolhayayaasha: Ter Stegen, Neto, Iniaci Peña, Arnau Tenas Ureña.

Daafacyada: Dest, Pique, Arojo, Lenglet, Alba, Umtit, Junior Firpo, Óscar Mingueza

Khadka Dhexe: Busquets, Alenia, Pjanic, Riqui Puig, Matheus Pereira, Sergio Roberto, De Jong, Ilaix Moriba

Weerarka: Griezmann, Braithwaite, Messi , Pedri, Dembele, Coutinho, Fati, Francisco Trincão, Konrad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here